Reer Gedo oo ka banaanbaxay Axmed Madoobe

Garbahaareey (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa watay boorar lagu qoray erayo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland, waxayna ku banaanbaxeen xaafadaha magaalada Garbahaareey.

Qaar kamid ah waxgaradka ka qeyb galay banaanaxa oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay iney kasoo horjeedaan qeybsiga baarlamaanka maamulka Jubba oo dhawaan lagu dhaariyay Kismaayo.

Waxay sheegeen in beelo awood badan ku leh gobolka in lagu tuntay oo saamigooda aan laga siinin baarlamaanka maamulka Jubba ayna kasoo horjeedaan maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Ugaasyo goobta hadal ka jeediyay ayaa dhankooda sheegay in wax laga xumaado ay tahay in urur goboleedka IGAD uu ka shaqeeyo isku dirka dadka daga Jubbooyinka maadaama ay aaminsanaayeen in baarlamaanka Jubba uu wax ka dhisan wakiilka IGAD ee Soomaaliya.

Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay waxaa kordhayay beelaha dhaliilsan hab dhismeedka baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com