Xog: DF SOMALIA oo u hanjabtay SOMALILAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu socdo qorsho ay Maamulka Somaliland Dekada Berbera ugu gacan galineyso Shirkado ajaanib ah, ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda DF Somalia Nuur Faarax.

Wasiir Nuur oo wareysi gaar ah siinaayay mid kamid ah warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in ka Dowlad ahaan ay khalad u arkaan falkaani ay Somaliland Dekada gacanta ugu galineyso shirkado shisheeye.

Wasiirka oo arrintaasi si caro leh uga hadlay ayaa waxa uu digniin adag hawada u mariyay shirkadahaasi, waxa uuna ku wargaliyay inay ka fiirsadaan haddii ay haminayaan inay dhaqaale iska galiyaan Dekada.

Nuur Faarax ayaa sidoo kale, Maamulka Somaliland uga digay inay dekeda maalgelin shisheeye loo bandhigo, isagoo ku tilmaamay dekeddaasi hal irmaan oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo deegenaanshaha Somaliland; isla markaana aanay ogolayn.

Nuqul kamid ah hadalka wasiirka ayaa ahaa “Maanta waxaa jirta in la boobayo dekedaha dalka, mana oran karo taasi waa maal-gashi lagu sameysanayo, inaga ayaana leh hubinta in talaabooyinkan ay yihiin maal-gasho ay ka faa’iideyaan dadka Soomaaliyeed iyo inaysan ahayn waana uga digaynaa inay falkaan oo kale ay ku kacaan maamulada gacanta ku haya”.

Dhanka kale, Wasiir Nuur, ayaa Madaxda Maamulka ugu goodiyay inay sharciga la tiigsan doonaan shirkadaha isku dayaya inay la wareegaan dekedda magaalada Berbera, waxa uuna carabka ku dhuftay in arrintaasi ay hordhigi doonaan Caalamka intiisa kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com