Maamulka GOBOLKA BANAADIR oo bur-buriyey xadkii SHARIIF XASAN uu sameystay dorraad !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gabi ahaanba dhulka dhigay, Boor Maamulka Koonfur Galbeed Shalay uu sheegay in uu kala qaybin doono Gobolka Banaadir Iyo Maamulka koonfur Galbeed kaas oo laga taagay Degaanka Jazeera.

Gudoomiyaha Degmada WadaJir Axmed Cabdulle Afrax ayaa sheegay in boorkaasi ay taageen sida uu yiri dad ka soo horjeeda ammaanka Degmadaasi horay loo xukumay oo ahaa mooryaan waa siduu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay Gudoomiyuhu in Shaqsiyaadkaas degmada ay ka bilaabeen olole uu xusay in Maleeshiyaad ay ku qortaan si ay ula dagalamaan Maamulka Dowlada ee Degmada Wadajir

“Ciidamada maleeshiyaadka ah ee meesha la geeyay waxaa laga abaabulay gurya caan ah oola yaqaan oo degmada Wadajir ku yaal waliba xilliyo habeen ah ayaa laga abaabulay wadooyinka ayaa u xiran dowladda waxaan ka codsanaynaa inay soo faragaliso” ayuu yiri guddoomiye Afrah

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn waxaa uu waalidiinta reer Wadajir ka codsaday inay ka foojignaadaan kana waantoobaan dadka nuucaas oo kale u abaabulaya.

Burburintaan loo gaystay boorkaan lagu sheegay inuu yahay Xadka kala qaybin doona Gobolka Banaadir iyo Maamulka Koofur galbeed ayaa imaanaya xilli waayihii dambe uu muran xoogan ka jiray xudduudaha u dhexeeya maamul goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com