Qaraxii Garoowe oo ETHIOPIA ku qasbay in ay..

Garoowe (Caasimada Online) – Qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee magaalada Garowe ayaa joojisey bixinta fiisaha dalkaas lagu galo.

Dad badan oo tegey xarunta qunsuliyadda ayaa dib usoo laabtey kadib markii lagu wargeliyey in aan wax fiise ah la siin doonin.

Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda ayaa dadka u sheegay in sababta bixinta fiisaha loo joojiyey la xiriirto qaraxii dorraad ka dhacay magaalada Garowe ee lala beegsaday shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Lama oga in go’aanka Ethiopia yahay mid kumeel gaar ah iyo in sidaas lagu joojiyey hawlihii qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee Garowe.

Ethiopia ayaa horay u xirtey qunsuliyaddii ay ku lahayd magaalada Hargeysa, waxayna laga soo bilaabo xilligaas  qunsuliyadda Garowe ahayd goobta keliya ee dadka ku dhaqan Puntland iyo Somaliland fiisaha ka qaataan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com