Doomihii loogu deeqay DFS oo lagu ganacsado

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo u sir waramaya Caasimada Online, ayaa sheegay in xubnaha ugu sar sareeya Gobolka ay qaab qaldan u adeegsadeen doonyo dhawaan loogu deeqay.

Xogta ayaa intaa kusii dareyso in doonyahaasi oo loogu talo galay in Maamulka Gobolka Banaadir uu uga shaqeeyo Xeebaha dalka, laga kireeyay shirkado kaluumeysato ah.

Shirkadahaani ayaa doonyaha u adeegsada ku gurashada Malaayga, waxaana la tilmaamayaa in bishii halkaasi ay kasoo xarooto lacag cadadeeda lagu sheegay ilaa $5,000.

Axmed Xusein Cabdi oo kamid ah Kaluumeysatada ayaa sheegay in doonyahaasi ay gaarayaan ilaa 10 xabo kuwaasi oo ah nooca xawaaraha dheer, balse uusan garaneynin nasiib darada keentay in Hantida qaranka loo adeegsado qaab qaldan.

Wuxuu sheegay in lacagta kirada ay shirkadahaasi bixiyaan bil waliba, waxa uuna intaa hadalkiisa kusii daray in qaar kamid ah Doonyahaasi looga shaqeeyo dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

Inta badan DF Somalia ayaan iska xil saarin ilaalinta hantida Qaranka, waxaana badi hantidaasi loo adeegsadaa qaab ka duwan nidaamka loogu talo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com