Digniin laga bixiyey aqoonsiga barlamanka Juba

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia, ayaa Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid uga digay inay isku dayaan inay aqoonsadaan Baarlamaanka Jubba ee maalmo ka hor la dhisay.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq oo ku magac dheer ”Afaraale”, ayaa ka digay in DF Somalia ay hamiso inay aqoonsato Baarlamaankaasi, waxa uuna ku goodiyay in Dowladu ay caqabad la kulmi doonto, waa haddii ay aqoonsiga Baarlamaankaasi ku raali galiso Axmed Madoobe.

Wuxuu Afaraale sheegay in qaab cadaalad aan ahayn loo qeysaday xildhibaanada Baarlamaanka Jubba, oo uu tilmaamay in deegaanada qaar la qadiyay.

Axmed Madoobe ayuu sheegay inuu doonayo in mar kale si sharci daro ah loo soo doorto si uu usii hayo xilka Madaxweyne ee maamulkaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Geesta kale, xildhibaanka ayaa sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin arintaasi, islamarkaana uu sheegay in aysan ahayn wax ay ku qanacsan yihiin shacabka degan gobalada Jubooyinka.

Dhawaan ayay aheyd markii qaar ka tirsan Odayaasha Kismaayo ay shaaciyeen in Axmed Madoobe uu qadiyay beelaha qaar, halka kuwa uu xulayna aysan matali karin beelahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com