Haweeney Soomaaaliyeed oo ku biirtay Daacish

Muqdisho (Caasimada Online)-Idaacadda Maxaliga ee WIAT RADIO ee dalka Maraykanka, ayaa baahisay in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Huda Mutana ka ambabaxday Gobalka Alabama ee dalka Maraykanka, kuna biirtay Maleeshiyadda Daacish ee ku sugan gudaha dalka Syria.

Afhayeenka Qoyskeeda oo lagu magacaabo Hassan Shiblu ayaa u sheegay Idaacaddaasi inay Huda kula xiriiri jirtey Daacish Warbaahinta ay Bulshadda ku xiriiraan (Social Media).

Afhayeenka oo Agaasimaha Fulinta ka ah Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Florida ayaa sheegay inay Waalida Huda naxdin ka qaadeen, markii ay maqleen inay gabadhooda ku biirtay Kooxda Daacish.

Ambabaxa Haweeneydaasi ku biirtay Kooxda Daacish ayaa imaanayo, xilli ay Maamulayaasha Maraykanka dacawdo ku soo oogeen 6 dhallinyarro Somali-Maraykan ah oo qorsheynayey inay ku biiraan Dagaalamayaasha Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com