“XASAN SH. wuxuu dhaqan galinayaa oraahdii ahayd nin dooran ayey doorta na dhaheen”!!!!

Cadaado (Caasimada Online) – Xashi Warsame oo kamid ah Ergooyinka ka qeyb galaayo shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa ka hadlay Siyaasadaha is diidan ee iminka ka taagan Magaalada Cadaado.

Xaashi ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan iyo Xulafadiisu ay Cadaado ka wadaan Siyaasado aan u cuntameynin Ergooyinka iyo Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Maamulka G/Dhexe.

Mar wax laga weydiiyay Siyaasada iska soo horjeeda ayaa waxa uu sheegay in Xubno ka socda Madaxtooyada Somalia ay Ergooyinka ku cadaadinayaan inay Madaxweynaha Gobolka u doortaan C/kariin Xuseen Gulleed, waxa uuna taasi ku sheegay in lagu kala iibsanaayo Ergooyinka.

“Xasan Sh. wuxuu dhaqan galinayaa oraahdii ahayd nin dooran ayey doorta na dhaheen” ayuu yiri.

Wuxuu intaa hadalkiisa kusii daray in Oday waliba uu taageersan yahay Musharax gaar ah, balse aysan wanaagsaneyn in afduub lagu sameeyo Oday dhaqmeed u taagan inuu u codeeyo musharax gaar ah.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayuu ku dhaliilay inuu doonaayo in Magaalada Cadaado uu ka dhaqan galiyo siyaasadiisa gaar ah taasina ay caqabad ku noqon karto shirka waa haddii ay sidaasi kusii socto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com