Ciidamada DFS oo weeraray WASIIR ka tirsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ammniga Maamulka Koofur Galbeed Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey, ayaa DF Somalia ugu baaqay inay jawaab ka bixiso weerar qorsheysnaa oo Ciidamada Dowlada ay ku qaaden Wasiirka Ganacsiga Cabdullahi Sheekh Xassan oo ku sugan Deegaanka Jazeera.

Wasiirka ammniga Maamulkaasi, ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in Ciidamada DF ay Mas’uuliyiinta u weeraraan qaab Maleeshiyo, waxa uuna tilmaamay in weerarka uu ahaa mid loo adeegsaday dano gaar ah.

Wasiir Geeseey oo arrinta weerarka ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “waa nasiib daro in arrintaani ay dhacdo, iyadoo labada Madaxweyne ee Xassan Sheekh iyo Shariif Xassan ay si wadajir ah ugu wargaliyeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab in xuduudaha Gobolka K/galbeed ay la wareegeen Ciidamada Maamulka”

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Xalane ayaa dhankiisa ku eedeeyay Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koofur galbeed Cabdullahi Sheekh Xassan in calanka Maamulkiisa uu ka suray Deegaan uu sheegay in uu ka tirsan yahay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Maamulka K/galbeed, ayaa ku hanjabay inay jawaab ka bixin doonaan hadii DF Somalia aysan ka hadal weerarka lagu qaarijin lahaa Wasiirka Ganacsiga Cabdullahi Sheekh Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com