SAWIRRO: Xog dheeraad ah oo kasoo baxeysa Qarax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo lagu hor qarxiyay Maqaaxi caan ah oo kasoo horjeeda Centeraal Hotel ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay ilaa 4-ruux ayaa ku dhimatay qaraxa Todobo kalane waxaa kasoo gaaray dhaawac, kadib markii Qaraxa lagu beegay xili ay dadka kasoo baxeen salaada duhur Maqaaxidaasina ay ka qadeynayeen.

Maqaaxida uu Qaraxa ka hordhacay ayaa waxaa lagu Magacaaba Panooda Restaurent, iyadoona qaraxa kadib ay halkaasi buux dhaafiyeen gaadiidka gurmadka.

Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa gaariga qaraxa lagu fuliyay, goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga uu ahaa nooca raxaada ah ee loo yaqaan Markeet-ka, halka qaarna ay sheegen inuu ahaa gaari Karoole ah.

Dadka dhaawacmay iyo kuwa geeriyooday waxa ay u badnaayen dadkii ka cunteynayay iyo Maamulka Maqaaxida.

Dhanka kale, Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia ayaa gaaray Goobta Qaraxa uu ka dhacay oo aan ka fogeyn Madaxtooyadda Somalia.
1

 

 

4

5

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com