XOG: Cabdikariin GUULEED oo arrin in mudo ah la qarinaayay maanta ka bilaabay CADAADO !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan warbaahinta dalka ay hadal hayeen in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu C/kariin Xuseen Gulled la damacsan yahay inuu ka dhigo Madaxweynaha Maamulka G/Dhexe, ayaa waxaa arrintaasi shaaciyay Gulleed.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ka mid ah lataliyaasha Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in ka shaqsi ahaann uu xaq u leeyahay inuu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan qabashada madaxtinimo ee Maamulkaasi.

Hadalka Gulleed, ayaa imaanaya iyadoo inta badan Magaalada Cadaado laga taagay boorar waaweyn oo uu ku sawiran yahay C/kariin Gulleed, waxaana halkaasi si xooli ah uga socda olole uu ku muujinayo musharaxnimadiisa Madaxweynimo ee Maamulka Mudug iyo Galgaduud.
cabdi-kariin-guuleed-ok
Inta badan boorarka lagu xardhay Sawirka C/kariin ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada iyo daafaheeda, waxaana inta badan la suray Garoonka Magaalada Cadaado iyo goobaha Bosteejooyinka gaadiidka laga raaco.

Olalahaan ayaa xoojinaya xogo horay loo helay oo sheegayay in Cabdi kariin Xuseen Guuleed, oo dowladda ay gadaal ka riixeyso uu damacsan yahay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha booqashadii u dambeysay ee uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb, waxa uu meesha kaga saaray in shaqsiyaad ay wadato Dowladda, Madax looga dhigayo Maamulka Gobolada dhexe.

Dhanka kale, Odayaasha Dhaqanka ayaa dhankooda kaga digay Dowladda Soomaaliy inay faragalin ku sameyso dhismaha Maamulka iyo soo xulista Ergada dooraneysa Madaxda maamulka kuwaasi oo muujiyay walaaca ay ka qabanaan in lagu faragaliyo Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com