Xildhibaan Cosoble “Jawaari iyo ku xigeenadiisu waxa ay ku tegri faleen sharciga Baarlamaanka”

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan eedeeymo kala duwan loo jeedinaayo Hogaanka sare ee Baarlamaanka DF Somalia, ayaa waxaa eedeyn ceynkaasi ah jeediyay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda ee Barlamaanka Somalia.

Cosoble ayaa sheegay in Gudoomiyaha BF iyo ku-xigeenadiisa, ay ku tagri faleen Sharciga u degsan BF Somalia.

Waxa uu sheegay inay ku xadgudubeen xeer-hoosaadka BF, wuxuuna Tilmaamay in nidaamyo farabadan ay u dhaqan galiyeen sida maskaxdooda ku jirto, waxa uuna taasi ku tilmaamay mid aan suuragal noqon doonin in sharciga oo idil lagu hogaamiyo ra’yiga Seddexdaasi Mas’uul.

Sidoo kale, qoraal dheer oo uu Xildhibaan Cosoble u diray Xukuumada Somalia, ayaa waxa uu ku baaqay in loo hogaansamo cadaalada uu qabo sharciga u degan BF Somalia, waxa uuna ku taliyay in shacabka Gobalka Banaadir la siiyo xuquuq la mid ah midka gobalada kale ee dalka.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa ku dooday in Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18 – ka Gobol ee Dalka , dadka dagana ay leeyihiin xuquuq dustuur oo ay tahay in la dhageysto rabitaankooda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XIL. COSOBLE

1

2

3

4