Tirada guud ee ay noqonayaan ergada Maamulka Gobolada Dhexe oo shaaca laga qaaday (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa wuxuu maanta shaaciyay tirada guud ee laga dhigi doono ergada soo dhisaysa Maamulka Gobolada Dhexe (Mudug iyo Galgaduud).

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu ka sheegay in ergada laga dhigi doono 350 xubnood, sida ay isku waafaqayn Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya iyo Maamulada Gobolada Dhexe iminka ka jira.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo saddexda saxiixe-yaasha ee kala ah Galmudug, Ahlu Sunna iyo Ximan & Xeeb, waxaan isku afgaranay in ergada wax soo dooraneysa laga dhigo 350 ergo.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirka, ayaa tibaaxay in Wasaaraddiisu ay la socon doonto dhaq dhaqaaqa Maamulka Gobolada Dhexe, isla-markaana ay fududayn, doonto sidii lagu dardargelin lahaa Dhismaha Maamulkaasi.

“Wasaaraddu waxay la socon doontaa Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo fududaynaysa tasiilaadka iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah, qabsoomidda shirka lagu soo dhisaayo Maamulka.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.

C/raxmaan Odawaa waxa uu meesha ka saaray in Wasaaraddu ay fara-gelin ku samayn doonto Dhismaha Maamulka, isla-markaana ay dadka deegaanka u madax bannaan yihiin inay soo dhistaan Maamulka.

“Dadka deegaanka way u madax bannaan yihiin inay soo dhistaan Maamulkooda. Ma jiri doonto wax fara-gelin ah oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku samayn doonto, dusha uun bay kala soconaysaa.” Sidaasi waxaa yiri Odawaa.

Ergada iminka ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa waxaa tiradoodu lagu qiyaasaa 600 oo xubnood, waxaana lagu wadaa in iyaga uun laga soo dhex sooco, intii wax dooran laheyd.

Wasiir Odawaa, ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta Dowladda Somaliya ka tirsan, ayaa ku soo dhaweysay Garoonka Duulimaadyada ee Aadan Cadde.

Isha: dhacdo