XOG: Yuu ahaa qofkii fuliyey qaraxii GAROOWE?

Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii u dambeeyey laysla dhex marayey in qofkii fuliyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee magaalada Garowe lagula beegsadey gaari bus ah oo ay saarnaayeen shaqaalaha hay’adda UNICEF  uu u dhashay dalalka dariska la ah Somalia ayaa waxaa soo baxey warar kuwaas ka duwan.

Sarkaal ka tirsan booliska oo diidey in magaciisa la baahiyo ayaa Caasimada Online u sheegey in ninka qaraxa fuliyey la helay madaxiisa islamarkaana baaritaan kaddib la ogaadey inuu yahay Soomaali.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ninka is qarixiyey muddo kooban ku sugnaa magaalada Garowe deegaan ahaanna aanu kasoo jeedin Puntland.

Hay’adaha ammaanka Puntland ayaan weli soo bandhigin warbixin ku saabsan sida qaraxaasi u dhacay, dadkii ka dambeeyey iyo talaabooyinka ay ilaa iyo hadda qaadeen.

Ciidamada amniga ayaa dhinaca kale howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtey dad fara badan kuwasoo la sheegey iney baaritaano ku socdaan.

Golaha Wasiirrada Puntland oo kulan aan caadi aheyn shalay isugu yimid ayaa sheegey in dadweynaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan degaanada Puntland u xaqiijinayaan in amnigu sugan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com