SAWIRRO: Dhalinyaro Somali hor leh oo gacanta lagu dhigay iyagoo ku biirayo ISIS + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Federalka ee magaalladda Sant Paul ee Gobalka Minesotta ee dalka Maraykanka waxaa la soo taagi doonaa afar Somali-Maraykan ka mid ah lix qof oo ay Hay’addaha Ammaanka ku eedeeyeen inay qorsheynayeen inay u safraan dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

Dhegeysiga Maxkamadda ayaa bilaaban doonta 9-ka subaxnimo ee Xilliga Maraykanka oo u dhiganta 5-ta galabnimo ee Xilliga Afrikadda Bari.

Dacwad oogayaasha ayaa la filayaa inay Garsooraha Maxkamadda magaalladda Saint Paul ka codsadaan in Afarta Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga.

Dacwad oogayaasha waxay rumeysan yihiin inay Afarta Eedeysane khatar ugu jiraan inay si qarsoodi ah ugu dhoofaan dalka Syria, laakiin Garyaqaanka difaacayo Eedeysanayaashaasi ayaa beeniyey arrintaasi.

Dhinaca kale, Labo ka mid ah Lixda Eedeysane oo dhamaantooda asalkooda yahay Somali ayaa iyagana lagu wadaa in berrito la soo taago Maxkmaadda magaalladda San Diyeego.

Lixda Somali-Maraykanka lagu soo oogay inay ku biiri lahaayeen Dagaalamayaasha Daacish ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-

1-Mohamed Abdihamid Farah, oo 21- jir ah.

2-Adnan Abdihamid Farah oo 19 jir ah.

3-Abdurahman Yasin Daud oo 21-jir ah.

4-Sakariya Yusuf Abdurahman oo 19-jir ah.

5-Hanad Mustafe Musse oo 19 jir ah.

6-Guled Ali Omar oo 20-jir ah.
1

2
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com