Asmara (Caasimada Online) — Eritrea ayaa si adag ugu cambaaraysay xisbiga talada haya ee Ethiopia ee Barwaaqo (Prosperity Party – PP) waxa ay ugu yeertay “hamuun xad-dhaaf ah” oo ku aaddan isku xirka Webiga Niilka Buluugga ah iyo Badda Cas, iyadoo hadalladii u dambeeyay ee Addis Ababa ee ku saabsanaa “Labadan Biyood” ku tilmaantay kuwo “la yaab leh” oo “caqliga ka baxsan.”
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel, ku sheegay in xisbiga Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu wado “sheekooyin marin-habaabin ah” oo loogu qiil-samaynayo damacyo goboleed oo aan lahayn saldhig juqraafi iyo mid sharci toona.
“Ma jiro wax is-dhexgal ah, is-goys ah, ama kulan ah oo ka dhexeeya Webiga Niilka Buluugga ah iyo Badda Cas,” ayuu yiri Meskel. “Dabinka Xisbigan ‘Potemkin’ waa mid aad u fool xun oo liita oo aan la iibin karin — xitaa marka la eego halbeegyadii hore ee khiyaanada.”
Wuxuu sheegay in hadalladan ay ka tarjumayaan dabeecad soo noqnoqotay oo ah “marmarsiiyooyin marin-habaabin ah” oo ay adeegsadaan “awoodaha gardarada wada” si ay ugu qiil-sameeyaan damacyo ballaarsi ah, isagoo ka digay in hadallada noocan oo kale ah ay “hurin karaan iska-hor-imaad kale oo aan loo baahnayn” oo ka dhaca gobol qasan.
Asmara oo ka digtay ‘daan-daansi la soo abaabulay’
Meskel wuxuu sheegay in fikradda “Labadan Biyood” —oo markii ugu horreysay uu soo bandhigay Abiy khudbaddiisii u dambaysay ee baarlamaanka— ay daaha ka rogtay “damacyo dhul-ballaarsi ah” oo loogu ekaysiiyay marmarsiiyooyin taariikhi ah ama mid dhaqaale. Wuxuu ku misaalay marmarsiiyooyinkii xilligii gumeysiga ee dhul-ballaarsiga.
“Awoodaha gardarada wada waxay had iyo jeer alifaan marmarsiiyooyin marin-habaabin ah si ay ugu qiil-sameeyaan damaca ay u qabaan xuquuqda iyo kheyraadka deriskooda,” ayuu yiri.
Eritrea waxay ku celisay in “aysan wax niyad ah u hayn dagaal” balse ay difaaci doonto madax-bannaanideeda haddii la daan-daansado.
Madaxweyne Isaias Afwerki, wareysi uu bixiyay dhowaan, wuxuu ku sheegay in Asmara “aysan wax sheegasho dhul ah ama damac ah ka lahayn dal deris la ah,” isagoo ku boorriyay Ethiopia “in aysan shacabkeeda ku ridin dagaal aan wax natiijo ah lahayn.”
“Niyad uma hayno dagaal,” ayuu yiri Afwerki. “Laakiin sida taariikhdu markhaati ka tahay, waan naqaannaa sida loo difaaco dalkeenna marka naloo soo gardarroodo.”
Meskel ayaa farrintaas ku celiyay, isagoo qoray in Eritrea “aysan ka xanaaqi doonin hadallo aan laga fiirsan ama gooddi iska-hadal ah.”
Warqadda Addis Ababa u dirtay QM oo xiisadda sii hurisay
Xiisaddu waxay sii korortay kadib warqad ay Ethiopia u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, taasoo ay Eritrea iyo kooxaha mayalka adag ee Tigrayga ku eedaysay inay samaysteen isbahaysi cusub, “Tsimdo,” si ay dagaal uga dhan ah dawladda Ethiopia u qaadaan — eedayn ay beeniyeen Asmara iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) labaduba.
Warqaddaas, oo ku taariikhaysan 2-da Oktoobar oo uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos, waxay sidoo kale dib ugu caddaysay damaca Addis Ababa ee ah inay hesho “maris madax-bannaan oo baddeed iyadoo la marayo waddo sharci ah haddii ay suurtagal tahay, iyo awood milatari haddii loo baahdo,” taasoo walaac ku abuurtay dalalka deriska ah ee gobolka.
Eritrea ayaa warqaddaas ku tilmaantay “riwaayad marin-habaabin ah” iyo “aflagaaddo lagu sameeyay garaadka shacabka Ethiopia iyo kan bulshada caalamka.”
“Maalin kasta, siyaasadda joogtada ah ee Xisbiga Barwaaqo waxay ku wareegaysataa sidii si qasab ah lagu heli lahaa maris baddeed,” ayuu qoray Meskel. “Kani waa daan-daansi khatar ah oo lagu soo labisay luuqad diblomaasiyadeed.”
Asmara waxay sidoo kale soo xigatay maahmaah Tigrinya ah — “Warafku wuxuu ka dhawaajiyaa cod dheer markuu bartilmaameedkiisa ku dhaco” — taasoo muujinaysa in eedaha Ethiopia ay daaha ka rogayaan dembi-dareen iyo amni-darro.
Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD midkoodna si fagaare ah ugama hadlin arrintan, laakiin diblomaasiyiin gobolka ka socda ayaa si hoose uga digaya in colaad cusub ay qalqal gelin karto marinka Badda Cas, oo ah waddo ganacsi oo muhiimad weyn u leh caalamka.
Labada hoggaamiye waxay labaduba wajahayaan caqabado gudaha ah — Abiy wuxuu la daalaa-dhacayaa xasillooni-darro ka taagan deegaannada Amxaarada iyo Oromia, halka Afwerki ay haysato culeysyo dhaqaale iyo socdaal.
“Shacabka Ethiopia ha ku ridina dagaal aan wax natiijo ah lahayn. Diiradda saara xallinta dhibaatooyinkiinna dhabta ah,” ayuu yiri Afwerki sanadkii hore — ereyo hadda dib uga soo yeeraya xiisadda cusboonaatay ee u dhaxaysa Addis Ababa iyo Asmara.