Eritrea oo shaacisay dalal xumeynaya xiriirka kala dhexeeya SOOMAALIYA

Asmara (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay dowladda Eritrea, islamarkaana lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Shabait ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan ka dhexeeya xukuumadaha Asmara iyo Muqdisho.

Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dalal Reer Galbeed ah oo suurad xumeynaya xiriirka labada dal, kadib isbeddalkii Soomaaliya ka dhacay 15-kii May ee sanadkaan, kaas oo uu kusoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo ka adkaatay Maxamed Farmaajo.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan uu sii xoogeysanayo iskaashiga ka dhexeeya Eritrea iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga, balse uu jiro buuq ay ku furayaan xiriirkan qaar ka mid ah dowladaha Reer Galbeedka, kuwaas oo aan la shaacin.

“Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana  munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni” ayaa lagu yiri warbixinta Shabait.

Sidoo kale dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay abaal u heyso Soomaaliya oo horey taageero ugu fidisay dalkan oo dhaca Geeska Afrika.

“Wada-shaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda,” ayaa markale lagu yiri bayaanka Eritrea.

Ugu dambeyn dowladda Eritrea ayaa hoosta ka xariiqday in iskaashiga labada dal uu sii soconayo, ayna iska kaashanayaan amniga, gaar ahaan dagaalka lagu jiro kooxda Al-Shabaab oo haatan loo arko inay halis ku tahay guud ahaan amniga gobolka ama Afrika.

“Labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warbixinya ka soo baxay dowladda Eritrea ee lagu qoray Shabait.

Waddanka Eritrea ayaa waxaa haatan ku sugan illaa 5000 oo askari kuwaas oo tababar u jooga dalkaas oo uu laba goor booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.