Daawo: Xasan oo xariga ka jaray madaxtooyo qurux badan oo Galmudug ay dhisatay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xoogan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyaan go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxal-gal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.