ETHIOPIA oo ku darsatay 18KM oo ka mid ah dhulka Soomaaliya (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed ‘Jindi’ oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulanka baarlamaanka ka sheegay in dowladda Itoobiya ay gudaha u soo gashay dhulka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ‘Amardambe’ ayaa maanta xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ka hor akhriyey Sharciga Difaaca Qaranka Soomaaliya.

Akhrinta sharcigaas kadib ayaa xildhibaano ka tirsan golaha shacabka waxay ka weydiiyeen su’aalo, waxaana xildhibaanadaas ka mid ahaa Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed ‘Jindi’ oo wasiirka weydiiyey su’aal ku aadan arin ka taagan xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Su’aasha Xildhibaan Jindi ayaa ku aadaneyd qorshaha wasaaradda difaaca Soomaaliya uga yaalla in calanka dowlad kale si awood ah looga taago gudaha Soomaaliya.

“Gobolka Hiiraan wuxuu xuduud la leeyahay dalka Itoobiya, waxaana xuduud beenaad ahaan jirtay degmada Feerfeer, waxaan la soconaa in 7 –KM meel u jirta Feerfeer oo la yiraahdo Abaarey oo dhul Soomaaliyeed ah laga taagay calanka Itoobiya, seddax todobaad ka horna waxaan ka war-qabnaa, in Itoobiya ay qorsheyneysay 18-KM oo gudaha Soomaaliya ah inay soo gasho” ayuu yiri Xildhibaan Jindi.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay ayaa wasiirka gaashaandhigga weydiiyey halka laga koontoroolayo xuduuda Soomaaliya, maadaama ay gudaha u soo gashay Itoobiya.

“Wasiirka waxaan weydiinayaa xuduudii dalka 18 KM ayaa gudaha loo soo galay, marka halkee laga koontoroolayaa xuduudaha dalka”? ayuu yiri.

Hoos ka Daawo