Ethiopia oo ku howlan soo celinta dhibcihii uga lumay heshiiskii Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa dhawaan codsi u dirtay urur-goboleedka IGAD. Addis Ababa waxay dalbatay shir aan caadi aheyn oo ay yeeshaan madaxda urur-goboleedka IGAD, kaasi oo looga hadlayo xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay heshiiskii ay 1-dii Janaayo la galeen Muuse Biixi Cabdi.

Waxay codsigooda ku hagaajiyeen dowladda Jabuuti oo hadda ah shir-guddoonka urur-goboleedka IGAD. Codsiga dowladda Ethiopia ayaa imaanaya iyada oo laba asbuuc laga joogo diidmadoodii shir madaxeedka IGAD ee 18-kii Janaayo ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, kaasi oo diiradda saaray xiisadda Soomaaliya iyo Ethiopia.

IGAD weli kama jawaabin codsiga ka yimid Ethiopia, laakiin waxaa durba bilowday faaleynta ku saabsan waxa la gudboon urur-goboleedka IGAD iyo waxa laga filan karo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ethiopia waxay u muuqata inay dib u raadineyso inay soo ceshato dhibcihii siyaasiga ahaa ee ka lumay tan iyo markii ay heshiiska la galeen Muuse Biixi Cabdi 1-dii Janaayo.

Addis Ababa ayaa la kulantay dharbaaxo caalami ah oo aanay filaynin, laakiin hadda oo ay isbeddel ku sameeyeen wasaaradooda arrimaha dibadda waxaa muuqata inay raadinayaan dariiq ay kusoo nooleyn karaan galaan-galkooda gobolka, midkoodii Afrika iyo koodii caalamka.

Haddaba maxaa laga filaya urur-goboleedka IGAD?

IGAD horey ayay u qabatay shir la xiriira mowduucan, laakiin waxaa qaadacday dowladda Ethiopia oo mar-marsiyo aan jirin u sameysay inay kasoo qeyb-gasho doodda qadiyadan xilli ay Soomaaliya aad isku diyaarisay.

Ra’iisul wasaarihiisa hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake wuxuu ugu baaqay urur-goboleedka IGAD in aanay aqbalin codsiga Ethiopia oo ayadu xurmeyn weysay shirkii 18-kii Janaayo ka dhacay magaalada Kampala ee ururku rabay inuu ku dhageysto Ethiopia iyo Soomaaliya.

Waxaa laga cabsi qabaa inay madaxda IGAD badi qaadacaan shirkan aan caadiga aheyn ee ay dalbatay Ethiopia, oo loo jeedo inay iyadu duullaan ku qaaday madax-bannaanida mid kamid ah urur-goboleedka IGAD.

Dhanka Soomaaliya, inkasta oo mowqifka Soomaaliya uu imaan doono kadib jawaabta IGAD, haddana dadka arrimahaan isha ku haya ayaa ku kala qeybsan waxa la gudboon dowladda federaalka ah ee Soomaaliya haddii ay IGAD aqbasho codsiga Ethiopia oo shirkaas lagu dhawaaqo.

Qaar waxay leeyihiin waa in aysan Soomaaliya aqbalin shirkaasi oo muujin kara miisaanka Ethiopia ee golaha, sidoo kalena hoos u dhigaya carada Soomaaliya ee xiisadda taagan.

Halka dadka qaarkiisna ay qabaan inay Soomaaliya aqbasho, tagto, garteedana furato oo aanay bixin wax fursad ah oo ay Ethiopia adduunka ugu sheegi karto wixii ay rabto xilli ay Soomaaliya ka maqan tahay fagaaraha.

Si walbaba, waxaa hadda isha lagu wada hayaa sida ay IGAD u wajahi doonto codsiga Ethiopia xilli ay xiisadda labada waddan taagan tahay meel aad u qaraar.