Ethiopia oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah madaxa WHO

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa si adag u dhaleeceysay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayada oo dalbatay in uusan sii hayn jagadaas.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa cabasho rasmi ah u dirtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayada oo agaasimaheeda guud ku eedeysay wax ay ugu yeertay “dhaqan xumo”, kadib markii uu si joogta ah u dhaleeceyn jiray dagaalkii ka dhanka ahaa Tigray-ga.

“Kama soo bixin sharafta iyo shaqo wanaagga laga doonayey xafiiska iyo xilkiisaba” ayaa lagu sheegay qoraalkan ay dirtay xukuumadda Addis Ababa.

Ethiopia ayaa xilli laga joogo afar sano gudbisay Tedros Adhanom inuu noqdo madaxa WHO ayaa hadda ka hortimid inuu mar kale jagada sii hayo, waxaana warqadda oo si gaar ah loo gaarsiiyey guddiga fulinta ee WHO lagu sheegay in Tedros uu meel uga dhacay sharafta hay’adda WHO.

Waxay ka dalbatay xukuumadda Abiy xubnaha 34-ka inay baaritaan ku sameeyaan dhaqankiisa, shaqo xumada iyo xil gudasho la’aanta ay u jeediyeen, ayada oo eedeynta u weyn ay tahay in uu dhinac la saftay.

Si kastaba, Guddiga filinta hay’adda WHO ayaa sida uu qorshuhu yahay kulmi doona 24 illaa 29-ka bishan, waxaana kulankaas qeyb ka ah soo xulista musharaxiinta hay’adda hogaamin lahaa sanadaha soo socda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii