Qoor Qoor ma kala badbaadin doonaa ciidanka Gorgor iyo dadka reer Galmudug?

Dhuusamaree (Caasimada Online) – Galmudug Shacabka waxay qabaan dhibaato weyn, dhibkaan waxaa Fure u ah ciidanka la yiraahdo Gorgor ee Dowladda Federaalka ah ka jooga deegaanada Galmudug.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay ku jiraan marxaladii ugu adkeyd muddo dhowr iyo Toban Sano ah.

Ciidanka Gorgor oo waqtiyo kala duwan la geeyey Galmudug waxay si arxan darro ah u beegsanayaan Shacabka deegaanka, waxay abuuraan qalalaaso joogto ah, hab dhaqankooda lunsan ee Maalinlaha ah wuxuu halis ku noqday nolosha caadiga ah ee Dadka Deegaanka.

Ciidamada Gorgor iyo Galmudug

Ciidankaan dhexdooda ayaa mararka qaar dagaalamo marna waxay la dagaalamaan Booliska deegaanka. Dagaalada joogtada ah oo ay ciidanka Gorgor ka geystaan qeybo kamid ah Galmudug waxay sababaan dhimasho iyo dhaawac joogto ah.

Galmudug waxaa deegaanadeeda muhiimka ah ku hareereysan Al-Shabaab, balse ciidankaan marna uma dhaqaaqin dhanka Al-Shabaab waxayna u muuqdaan inaysan kooxdaas muhiim u aheyn.

Dhaca dadka Deegaanka

Sida ay xaqiijiyeen Shacabka Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay ciidanka Gorgor si joogto ah u dhacaan Shacabka labadaas Magaalo si gaar ah waxay beegsadaan Moobeelada Gacanta.

“ Mar hore ayaa noogu dambeysay inaan xilli Habeen ah Taleefoon qaadano sababtoo ah kama baxsaneysid Gorgor “ ayuu yiri mid kamid ah Dadka dagan Magaalada Guriceel oo aan la hadalnay.

Dhaca waa joogto, ganacsatada waxay sheegayaan inay ciidankaan si joogto ah u baadaan, qaarkood waxay sheegeen in deen ay ciidankaas qaateen inay diideen inay bixiyaan.

Isticmaalka maandooriyaha

Dadka deegaanka waxay ciidankaan ku eedeenayaan inay soo kordhiyeen dhaqan aan deegaanka horey looga aqoon oo ah iibinta iyo ku dhex faafinta bulshada ee noocyada Daroogada ee halista ah.

“ Sababaha ay Habeen walba Rasaasta isaga furan dadkana u boobayaan waxaa ugu badan isticmaalka Balwadaha halista ah ee ciidankaan ay keeneyn deegaanka” ayuu yiri mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb oo sababo amni diiday inaan xusno magaciisa.

Waxaa sidoo kale ciidankaan lagu eedeeyey dhowr jeer falal kufsi ah. Dadka reer Galmudug oo intaas ku samray waxay muujiyeen baahi dowladeed.

Haddaba inta aan qaraarka dadka deegaanadaas laga daba tagin waxay dad badan qabaan in hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu ku qasban yahay inuu furo dariiq lagula xisaabtami karo ciidankan ama inuu dhibaatada ciidankaan ka dul qaado deegaanka.

Maamulka Galmudug si weyn ayuu ula socdaa dhibaatada ay ciidankaan ku hayaan dadka deegaanka gaar ahaan bushada Dhuusamareeb iyo Guriceel, haddana ma jiraan wax tallaabo ah oo looga hortagayo falalkooda liddiga ku ah nolosha bulshada.

Dadka deegaanka, gaar ahaan waxgaradka waxaa al gudboon inay cabasho rasmi ah u gudbiyaan maamulka oo ka dhan ah dhibaatada soo noq-noqotay ee ciidanka Gorgor.

Haddii uu maamulka ku guuldareysto inuu wax ka qabto mushkiladaana waxaa dadka deegaanka u furan inay ka fakaraan mashruuc isku tashi ah oo lagu soo afjarayo dhibaatada joogta ah ee ciidanka Gorgor ku hayaan Bulshada Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaa hor taala inuu kala furdaamiyo Shacabka Galmudug iyo ciidanka Gorgor inta aysan xaaladda gaarin meel uusan xalin karin ayey leeyihiin dadka reer Galmudug ee la yaaban hab-dhaqanka ciidanka Gorgor.