Loolan cusub oo ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble iyo arrinta hadda la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Soomaalida ayaa dhawaan ku heshiisay in 40 cisho lagu soo afjaro doorashada Golaha Shacabka, hase yeeshee mu mudadaas oo ka billaabata 15-ka bishan kuna eg 25-ka Febraayo ayaa wajaheysa caqabadda loolan cusub oo ka dhex qarxay Farmaajo iyo Rooble.

Dhowr iyo Labaatan Xildhibaan ayaa illaa hadda laga doortay xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Sida aad la socotaan waxaa jira isbadal ku dhacay labadii guddi ee hoggaamineysay uguna muhiimsanaa doorashada, waa guddigii maamulka doorashada ee heer Federaal oo iyaga ugu dambeyn xaqiijinayey aqoonsiga xildhibaanka iyo guddiga xalinta khilaafaadka oo isna u taagan inuu kala saaro xubnaha isku heysta Kuraasta ama Kuraasta la isku khilaafa natiijadooda.

Labadaan guddi Maanta malahan wax hoggaan ah, Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga xalinta khilaafaadka ka eryey 7 xubnood oo uu ku jiray guddoomiyihii guddigaas illaa Maanta guddigaas ma dooran guddoomiye.

Guddigaas oo aan hoggaan laheyn su’aal badan ayaa ku jirta sida loo wajahayo doorashadaan dadban oo la ogyahay inay mar walba leedahay khilaaf.

Sidoo kale, guddiga doorashada ee FEIT ayaa iyagana xilkii ka qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamed Xasan Cirro, guddigaas iyaguna illaa hadda guddoomiye ma dooran.

Labadaan guddi cid maamusha malahan waxayna ka dhigan tahay inaysan doorashada laheyn maamul waqtigaan. Maqnaanshaha hoggaanka guddiyadaan waxay cuuryaamineysaa shaqada guddiyada sidoo kalana waxay sababi kartaa dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada oo ay dhawaan saxiixeen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran.

Xubno kamid ah guddiyadaan oo aan la hadalnay waxay sheegayaan inuu jiro loolan xafiisyada sare ah oo la xiriira hoggaanka cusub ee labadaan guddi taasina ay tahay sababta dib usii dhigeysa howsha.

Kooxdan madaxweyne Farmaajo ayaa lumisay labada hoggaan ee labadan guddi  ee muhiimka ah, labadii xubnood ee hoggaamineysay guddiyadaan waxaa la fahamsanaa inay labaduba gacan saar dhow la lahaayeen madaxtooyada.

Mar kale, xubnaha Villa Somalia waxay dagaal adag ugu jiraan inay guddiyadaan hoggaankooda kusoo baxaan xubno iyaga raacsan oo u qaban kara laba shaqo. Mid waa in kursigii laga xoogo qof kooxdooda ka tirsan inay joojiyaan iyo midda labaad oo ah inay fasaxaan Kuraasta lasoo siiyo ama loo soo xoogo xubnaha eedeysan ee dhinacooda ka socdo.

Labadii hoggaan ee horey loo eryey ee guddiyadaan ayaa la aamisan yahay inay sababsadeen Kursigii Yaasiin Farey oo ay soo fasaxeen. Kooxda madaxweyne Farmaajo kursigaas waa u gudbay balse waxaa jira Kuraas badan oo kaas uga muhiimsan oo uu ku jiro midka uu u sharaxan agaasimihii hore ee Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo la eegayo sida ay guddiyadaan u wajahaan.

Hoggaanka guddigu mar walba saameyn xooggan ayuu ku leeyahay go’aanka Kuraasta. Xafiiska Ra’isulwsaaraha iyo midka madaxweynuhu labaduba faraha ayey kula jiraan shaqada guddiyada gaar ahaan cidda noqoneysa guddoomiye iyagoo u dagaalamaya dan shakhsi ah.

Tallaabadaas waxay dib usii dhigeysaa doorashada hoggaanka waana adag tahay inaan la falgalno doorashada socota haddii aysan labada xafiis culeyska ka qaadin guddiyada oo aysan u madax baneenin doorashadooda ayuu yiri xubin kamid ah guddiga doorashada ee heer Federaal ee FEIT.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu mas’uul ka ah gunaanadka doorashada waxaa hor taala inuu dareemo in mar walba oo ay dib usii dhacaan doorashada hoggaanka labada guddi inuu sidoo kale dib usii dhici doono jadwalkii lagu heshiiyey ee doorashada taas oo eedeeda uu xafiiskiisa qeyb ku yeelan doono.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii