Banaanbax looga soo horjeedo Mahdi Guuleed oo lagu qabanayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada kasoo jeedda Gobollada waqooyi (Somaliland) ee ku Sugan Magaalada Muqdisho ayaa Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbanayaan in loo ogolaado Banaanbax ka dhan ah Raysulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed .

Ururka Midnimo oo ay ku bahoobeen Dadka kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa horkacaya dalabkaan waxa uuna sheegay in Banaanbaxaan uu yahay “Mid Nabadeed” ay ku muujnayaan tacadiyo iyo cabashooyin ay ka qabaan Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo awoodda Dowladda uga faa’ideysanaya “in uu boobo kuraasta gobollada Waqooyi”.

Wasiirka Amniga XFS Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu Ururka Midnimo sheegay in uu ka codsaday dibadbaxaan kana aqbalay si dareenkooda ay ugu muujiyaan dibadbax nabadeed oo ay kusoo bandhigayaan cabashadooda.

Sakariye Nuur Saajin, Guddoomiyaha Dallada Midnimo ayaa Idaacadda Mustaqbal u sheegay in Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Guuleed uu kahor taagan yahay xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka si ay u helaan, sidoo kale uu faragelin ku hayo Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland).

‘’Banaanbaxa aan dalbanay waxa aan uga soo hor jeednaa Raysul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo u adeegaya ninka 1-sano iska fadhiya Villa Soomaaliya sharciyad la’aanta, mana jirto cid naga hor istaagi karta waayo waxa aan fasax ka heysanaa Wasaaradda Amniga oo aan ku wargelinayay in dibadbaxeenu uu yahay mid nabadeed oo aan ku muujineyno xuquuqdeena & Dareenkeena’’ ayuu yiri Sakariye Saajin oo kamid ah hormuudka Dadka abaabulka dibadbaxa wada.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda loo diray Wasaaradda Amniga