Waa kuwee musharaxiinta ugu cadcad guddoonka guddiga doorashooyinka dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Abuukaate Mowliid Mataan Salaad oo la filayay inuu isu sharaxo Guddomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa ka haray tartanka oo la qabanayo maalinta Sabtida ah kaddib dalab uga yimid Xafiiska Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Tartanka ololaha doorashada oo maanta si xowli ah ku socda ayaa laga dareemayaa xarunta Guddiga iyo Hoteelka Decale, waxaana hawshaan isku garbinaya dhanka Xafiisyada dalka ugu sarreeeya.

Afarta musharax ee ugu cadcad ayaa kala Cabdiwali Maxamed Qurux, Muuse Geelle Faroole, Cabdiraxiim Cabdicasiis (Xiirane) iyo Cabdi Xiis Udun.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa sida ay Caasimadda Online ogaatay waxay riixayaan Cabdiwali Qurux, balse waxaa culeys kasoo wajahaya Muuse Geelle oo Madaxweynaha Puntland iyo Xafiiska Ra’iisulwasaaraha taageero ka helaya iyo Cabdiraxiim Cabdicasiis Xiirane oo Laftagareen gacan ka helaya, inkastoo Cabdiraxiim uu sidoo kale ku xiranyahay Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxaa kale oo jira in Jubbaland ay dhankeeda riixeyso Cabdi Xiis Udun balse ay u badan tahay inuu u tanaasulo Musharaxa Xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo Puntland ay riixayaan ee Muuse Geelle.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleyno ayaa sheegaya in tartamayaasha Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal lagu xiray inay bixiyaan $3000 oo diiwaangelin ah halka $2000 laga qaadayo musharixiinta u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kamid ah xafiiska Ra’isulwasaare Rooble ayaa noo xaqiijiyay in musharaxnimada Cabdi Xiis ay dhabarjab weyn ku tahay maadaama uu taageero xooggan ka helayo xubnaha ay magacawday Dowladda Federaalka, waxaana jiro cadaadis xoog leh oo lagu saarayo inuu ka tanaasulo tartanka si looga adkaado musharixiinta Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed.

Dhanke kale, Ma cadda sababta Abuukaate Mowliid Mataan Salaad oo dagaal siyaasadeed u galay Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble loo dhisi waayey. Balse xubno ka tirsan FEIT ayaa noo sheegay in Liibaan Axmed Xasan (Shuluq) oo gacanta midig ee Rooble ah uu ka door biday Cabdi Xiis Udun iyo Muuse Geelle Faroole si taageero looga helo dhammaan Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maxamed Xasan Cirro oo wali ah xubin ka tirsan guddiga ayaa isagana saameyntiisa leh, inkastoo aan la ogeyn cidda uu sida rasmiga ah ugu ololaynayo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii