Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ethiopia oo biyo-xireen weyn gudaha dalkeeda ka sameysatay iyo roob yari jirta ay sababtay inuu yaraado heerka wabiga Shabeelle ee mara gobollo ka tirsan Soomaaliya.
Boqolaal tuulo oo ku yaal hareeraha wabiga Shabelle oo dadka ku nool noloshooda ku tiirsanayd biyaha wabiga ayaa soo wajahday walwal iyo cabsi ay ka muujinayaan wabiga oo haatan noqday meel dadka ay ku dhex lugeyn karaan, kadib markii laga waayay biyihii looga bartay.
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/03/ce32ec69-4ae7-4e03-9d79-d8ded7fcf4bc.mp3″]

