Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhaawac loo geystay xisaabiyaha xawaalada Dahabshiil ee koofurta dalka Soomaaliya, kaasi oo shalay gelinkii dambe lagu dhaawacay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Maxamed Xersi oo ah xisaabiyaha Dahabshiil lagu amray marka hore inuu gaarigiisa ka dago , markii ay dul istaageen labo ruux oo hubeysan, balse markii uu diiday rasaas lagu riday.
Goobjoogayaal kusugan Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay rasaaseeyay Maxamed Xersi markii uu gaariga kasoo bixi waayay, rasaastaasi uu dhaawac kasoo gaaray.
Rasaasta ayaa la sheegay in Maxamed Xersi ay kaga dhacday labo meel oo halis ah, waxaana xabada koowaad ay kaga dhacday madaxa iyadoo xabada labaad la sheegay iney wadnaha kaga dhacday.
Kooxaha hubeysan ayaa meyd ahaan kaga tagay Maxamed Xersi, balse markii dambe ayaa la ogaaday inuu dhaawac yahay, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Maamulka Shirkada Dahabshiil ayaa ka gaabsaday iney arintaan ka hadlaan
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

