Ethiopia oo Soomaaliya uga mahad-celisay arrin xasaasi ah oo ay ku garab istaagtay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulan labo geesood ah magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Demeke Mekonnen Hassen.

Labada Wasiir ayaa kulankooda waxaa looga wada-hadlay kor u qaadida xiriirka labo geesoodka ah ee Labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, diblomaasiyada iyo la-dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale waxay si gaar ah diirada u saareen howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ay ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta ah ka qayb qaadanayaan, iyaga oo is dhaafsaday aragtiyo ku aaddan horumarrada iyo isbeddellada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay, uguna mahad celiyay sida ay hore ugu garab istaagtay dowladda saaxiibka yihiin ee Itoobiya shirkii looga hadlayey tacadiyada Itoobiya ee ay qabatay hay’adda xuquuqul insaanka ee QM.

Soomaaliya ayaa dhawaan kasoo horjeesatay “in baaris lagu sameeyo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka” oo lagu eedeeyay Itoobiya inay ka geysatay gobolka waqooyi ee Tigray-ga, tan iyo markii uu billowday dagaalkii qaraara ee qaaday dowladda dhexe.

Ugu dambeyntiina Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyey Demeke Mekonnen Hassen iskaashiga xoogan iyo deris wanaaga ka dhaxeeya labada dal, isagoona hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sare u qaadidda iskaashi uu saldhig u yahay ixtiraamka qarannimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo, ayada oo ay sanadihii dambe xulafo isku dhow noqdeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.