“HirShabelle ayaa codsatay ciidanka la geeyey B/Weyne ciidan kalena waa rabnaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo ka hor ciidamo ka kala tirsan Gor Gor iyo Haramcad diyaarado lagu geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa tallaabaad si adag uga hor yimid inta badan dadka reer Hiiraan iyo xukuumadda Rooble.

Hase yeeshee Xildhibaan Maryan Haruun oo ka mid ah xildhibaanada afartii sano ee lasoo dhaafay golaha shacabka ku metelayey gobolkaas oo galabta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweysay go’aankii ciidanka lagu geeyey magaaladaas.

Xildhibaan Maryan ayaa sheegtay in ciidankaas ay codsadeen madaxda HirShabeelle, iyadoo dowladda federaalka ku bogaadisay inay aqbaashay codsigii uga yimid madaxda maamulkaas, sidoo kale waxay dalbatay ciidan hor leh loo diro Beledweyne.

“Waxaan qabaan in ciidanka aan siyaasadda la gelin, balse waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa, sida ay dowladdu uga jawaabtay codsigii ay soo jeediyeen Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa oo dal-baday ciidankaas,” ayey tiri Xildhibaan Maryan Haaruun.

Waxay sheegtay in HirShabeelle aysan qabin ciidan ku filan, taas oo sida ay tilmaantay dowladda ku qasbeysa in ciidanka ay xaqa u leeyihiin ay dowladdu u dirtay, si ammaanka dadka gobolkaas ay u sugaan.

“Maamullada kale markii ciidanka loo diray lagama hadleyn, laakiin maamulkeena meel kasta ayaa laga qeyliyey, balse looma joojinaayo, ciidanku ammaanka ayey sugi doonaan, doorashaduna si xor ah ayey uga dhici doontaa Beledweyne,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Maryan.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Maryan Haaruun ayaa siyaasiyiinta kale ee reer Hiiraan waxay ugu baaqday inay joojiyaan qorshaha ka dhanka ah ciidanka la geeyey Beledweyne, maadaama sida ay sheegtay baahi ammaan oo xoog leh ay ka jirto gobolka.

Hoos ka daawo