HirShabeelle oo ku gacan sayrtay go’aankii xukuumada Rooble, shaacisayna cidda u dirtay ciidanka Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si adag uga horyimid go’aankii ay shalay kasoo saareen Golaha wasiirada xukuumadda Rooble ciidamadii laga dejiyay magaalada Beledweyne.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadaas oo muran badan dhaliyey, ayaga oo sheegay in loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasi oo ay ku qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

Yuusuf Dabageed oo la hadlay BBC ayaa markale sheegay ujeedada laga leeyahay ciidamada la geeyay Beledweyne ay tahay inay dib u furaan waddooyinka Shabaabku go’doomiyeen ee soo gala gobolka Hiiraan.

“Annaga dalbanay ciidamada dowladda noo soo dirtay. Golaha wasiiradduna dowladday ka tirsan yihiin. Cidday amarka siinayaan HirShabelle ma ahan. Dowladda Soomaaliyeed iyadu ha is warsato” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale waxa uu markii u horeysay qiray in ciidamada tagay Beledweyne lagu soo diray amar uu leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kadib markii ay madaxweyne Cali Guudlaawe ka wada-hadleen arrintaasi, sida uu sheegay.

“Madaxweyne ayey Soomaaliya leedahay, asaga ayaa ah Taliyaha guud ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna kala macaamilay madaxweynaha HirShabelle. Ciidamada Soomaaliyeed sidoodaba shaqadooda waxay tahay in dalka Soomaaliyeed ay cadowga ka sifaayaan oo shaqadooda ayey haystaan.”

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabelle ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamadaas aan loo adeegsan doonin xiisada ka taagan magaalada Beledweyne, maadama uu mugdi badan ku gadaaman yahay ujeedka ciidamadaas loo geeyay magaaladaas.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dad siyaasiyiin ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay marin habaabinayaan arrintaas, ayna boron-bogaadeynayaan ciidanka xooga dalka.

Hoos ka dhageyso  Yuusuf Dabageed