Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Xuud?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale qaabilay Jeneraal Abuukar Xuud iyo xubno la socday, kuwaas oo cabasho ka ahaa ciidamadii la geeyay magaalada Beledweyne.

Jeneraal Xuud ayaa Farmaajo ku eedeeyey inuu dhabar-jebin ku sameeyay, kadib markii uu Muqdisho uga yeeray, si xiisadda gobolka ay uga wadahlaan, balse markii uu yimid ciidamo loo diray magaalada Beledweyne.

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo iyo Jeneraal Xuud ay ku heshiiyeen shan qodob kale oo kala ah:

1– In dowladda federaalka ay bixiso magta dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Beledweyne.

2– In dowladda federaalka ay bixiso deyn-lacageed oo lagu yeeshay Jeneraal Xuud iyo Jabhadiisa intii ay ku jireen gadoodka.

3– In dowladda federaalka ay dalacsiiso ciidamada iyo saraakiisha jabhadda Jeneraal Xuud, lana qarameeyo.

4– In la bedelo taliyeyaasha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, xilalka hoggaanka qeybtaasna loo magacaabo saraakiil ka soo jeeda beesha cabashada qabta ee Xawaadle.

5– Iyo in Jeneraal Xuud iyo kooxdiisa ay ka shaqeeyaan in Madaxweyne Cali Guudlaawe loo ogolaado inuu tago magaalada Beledweyne.

Shantaas qodob ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Jeneraal Xuud oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa, lamana oga in heshiiskaas ay gaareen uu dhaqan geli doono.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan ayaa si adag uga hor yimid ciidanka la geeyey Beledweyne, waxaana Farmaajo iyo kooxdiisa lagu eedeynayaa inay qorsheynayaan in awood ciidan ay ku boobaan kuraasta golaha shacabka ee taalla Beledweyne.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa weli ka aamusan xaalada magaalada Beledweyne, mana cadeyn mowqifkiisa ciidanka la geeyey magaaladaas, balse ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in HirShabeelle ay dalbatay ciidankaas.