Ex Wasiir ‘’Khadiijo Diiriye ayaa ii adeegsatay ciidamo qalqal galiyay nafteyda’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka Xukuumadii KMG aheyd ee Somalia Aamiino Maxamed Mursal kana mid aheyd Xildhibaanadii Baarlamaankii 9aad, ayaa shaacisay inay ku sigatay in magaalada Muqdisho ay ku dhex dilaan ciidamo ay usoo adeegsatay Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somalia Khadiijo Max’ed Diiriye.

Ex Wasiir Aamiino Maxamed Mursal, ayaa sheegtay in dhacdadaan ay timid xili ay ku sugneyd Garoonka Kubada cagta Koonis ee magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan ciyaaraha Gobolada.

Waxa ay xaqiijisay in iyadoo ay soctay cayaarta ay Biyo u geyso ciyaartooyda Koonfur Galbeed oo xiligaa dheelaayay, balse ay mar qura la kulantay hujuum kaga imaaday dhanka Wasiir Khadiijo.

Waxa ay tiri ‘’falkaan waxa uu dhacay xili ay socotay Ciyaartii u dhaxeysay Puntland iyo Koonfur Galbeed, waxaan isku dayay inaan biyo gaarsiiyo ciyaartooyda Koonfur Galbeed oo aan taageeraayay. Waxaan la kulmay wasiir Khadiijo kadib markii ay isku dayday in Kursigii aan ku fadhiyay ay iga kiciso waxa ayna igu dalbatay ciidamo halis galiyay nafteyda’’

Waxa ay sheegtay in la qalqal galiyay amnigeeda isla markaana loo adeegsaday ciidamo xili ay ku guda jirtay jawi farxad leh oo ay la qaadaneysay Ciyaartooyda Koonfur Galbeed.

‘’Wasiirada waan kula xisaabtami doonaa qaabka xun oo ay igula dhaqantay, waayo waxa ay ka gudubtay xeerka waxa ayna ii isticmaashay awood ciidan’’

Sidoo kale, mas’uuliyiinta dowlada ayay ugu baaqday inay la dhaqmaan bulshada oo aysan u adeegsan Hubkooda sida dhaqanka u ah inta badan Madaxda dalka.

Dhinaca kale, Aamiino ayaa hadalkaan sheegtay xili ay u warameysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, waxa ayna ku celcelisay in arrinta noocaas ah laga fogaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com