Maxay tahay sababta keentay in Somaliland laga baadi goobo Fanaanka Nimcaan Hilaac.

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay baadi goob xoogan ugu jiraan Fanaanka Nimcaan Hilaac.

Hilaac ayaa Todobaadkii hore gaaray Magaalada Boorame isagoo safar dhanka dhulka ah kaga tagay Dalka Jabuuti, Waxa uu ka baqday fanaanka iney xiraan Ciidanka ilaalada Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa balse waxa uu doorbiday inuu Jabuuti marka hore tago kadibna Socdaal dhulka ah uu ku tago deegaanka uu ka soo jeedo ee Awdal.

Ciidamo wata sadex gaari ayaa maanta tagay guriga Fanaanka iyagoo qoyskiisana ka dalbaday iney dibeda usoo saaraan Sharcigana isu dhiibo balse dadweyne arinkaa ka careysan ayaa isku gudbay Fanaanka iyagoona goobta ka bixiyay Nimcaan Hilaac oo hada Xuduuda ku sugan.

Ciidamadii duulaanka ahaa iyo dadweynaha Fanaanka la safnaa ayaa waxaa dhexmaray dagaal rasaas iyo gacan ka hadalba la isu adeegsaday taasoo dhalisay dhaawaca dhowr qof oo Shacab iyo Bileesba isugu jira.

Ciidanka ayaa markii danbe go’aansaday iney xabsiga dhigeen sadex qof oo kamid ah ehelada Fanaanka Nimcaan Hilaac oo uu ku jiro Aaabihiis sida ay Saxaafaad usheegtay Hooyada dhashay Fanaanka.

Nimcaan Hilaac ayaa goordhow bartiisa Facebook ku soo qoray in isagoo nabad qaba uu ku suganyahay Xuduudka Wajaale, wuxuuna amaanay shacabkii ka soo badbaaday Ciidanka Booliska.

Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore xirtay Fanaaniin iyo Wariyayaal deegaanada Maamulkaa ka soo jeeda oo Muqdisho soo gaaray, Hilaac waxa uu sanadihii danbe ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyo dalalka deriska ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com