Ethiopia oo laga jaray gabi ahaan baraha Bulshada & Dagaalka Soomaalida iyo Oromada oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa dalkeeda ka xirtay qaar ka mida baraha bulshada ay ku xariiraan, kadib markii la sheegay in lagu xoojiyay xiisada ka dhex aloosan Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada.

Dowlada oo walaac ka muujisay in baraha loo adeegsado faafinta muuqaalada iyo banaanbaxyada socda ayaa waxa ay gabi ahaanba xirtay baraha kuwooda ugu macquulsan ee leysku weydaarsado xaaladaha taagan.

Ethiopia ayaa xirista baraha sabab uga dhigtay inay xoogeysteen iska hor imaadyada u dhaxeeya qoomiyadaha degan daafaha kala duwan ee dalkaasi.

Baraha ilaa iyo hadda laga xiray dalka Ethiopia ayaa waxaa kamid ah Facebook iyo Twitter-ka ka dib markii ay soo muuqdeen muuqaallada warbixino ku saabsan in ciidamada amniga ay dileen labo qof oo kusugan gobolka Oromada.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo dilalka u dhexeeya Qowmiyada Oromada iyo kuwa Soomaalida ayaa waxa ku dhintay ilaa 15 ruux oo ay ku jiraan caruur iyo hawen.

Waxaa weli socda dagaal adag oo u dhaxeeya, qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wada dega gudaha Ethiopia, waxaana laga cabsiqabaa inuu sii xoogeysto dagaalka.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Oromada ayaa Soomaalida Ethiopia ku eedeeyay inay geysteen xasuuq ka dhan ah qoomiyadda Oromo, iyaga oo dil ka waday degmooyinka qowmiyadda 4tii bil ee ugu dambeysay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com