Kheyre ‘’Waxaan heynaa cadeymaha shaqsiyaad mushaar beena ku qaata liiska ciidamo goor hore dhintay’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Somalia ay wado dadaal lagu xaqiijinaayo liiska ciidamada ka tirsan dowlada oo ay ku jiraan kuwo aan sax aheyn.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay hayaan magacyo been ah iyo kuwo dhintay oo lagu qaato mushaaraadka ciidanka kuwaa oo la doonaayo in dib laga saxo.

Waxa uu Kheyre sheegay inay dadaal dheer ku bixinayaan sidii loo ogaan lahaa tiradda saxda ah ee Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in baaritaano badan oo ay sameeyeen in ay soo ogaadeen in ay jiraan Ciidamo badan oo ku jira Liiska Ciidamada oo aan shaqeyn hadana Mushaarqaata.

Wuxuu intaa raaciyay inay bilaabeen in ciidamada loo diwaan geliyo si casri ah oo uu sheegay in looga badbaadi karo isdabamarin xuquuq.

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca Somaliy ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu ogaanaayo tiradda iyo tayadda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ma jiro tiro sax ah oo ay dowlada Somalia ka heyso ciidamada dalka, waxaana jira ku dhowr qof oo hore geeriyooday welina mushaar lagu qaato magacooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com