Jawaari oo amar dul dhigay Xukuumada Somalia & Arrin la dayacay oo dib loo baaraayo (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Xukuumada Somalia ku amray inay soo gudbiso Dukumiinti ka turjumaaya hanaanka ay Somalia uga howlgalaan ciidamada Somalia.

Guddoomiye Jawaari waxa uu qoraal uu u diray Xukuumada ku faray inay inay soo gudbiyaan liiska ciidamada AMISOM iyo warbixin guud oo ka turjumeysa tirade guud ee ciidamada.

Jawaari waxa uu sheegay inaan la garaneynin tirade ciidamada ku sugan dalka maadaama ay jiraan ciidamo farabadan oo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu ka idlaaday wakhtiga.

Waxa uu Guddoomiyaha tilmaamay in baarlamaanka Somalia uu xaq u leeyahay inuu la socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada shisheeye, sidaa aawgeedna Xukuumada looga fadhiyo soo gudbinta cadadka ciidamada kuwa jooga iyo kuwa iminka bixi doona.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari waxa uu ku baaqay in lasoo dadajiyo soo gudbinta waxa uuna cod dheer ku sheegay in baarlamaanka uu sameyn doono la socodka ciidamada shisheeye.

Baarlamaanka Somalia ayaa dayacay la socodka dhaqdhaqaaqa shisheeyaha ku sugan Somalia, waxa ayna tani u muuqataa in iminka lagu soo baraarugay.

Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili uu jiro isku dhexyaac dhanka ciidamada Shisheeye, waxa ayna tani ka danbeysay kadib markii lagu dhawaaqay in ciidamada AMISOM qeybqeyb looga saarayo Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com