Xildhibaano ku fashilmay qorsho lagu xalin lahaa xiisada u dhexeysa C/xaashi & Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamanaka Somalia, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/llahi uu si cad u diiday in BFS uu ku taageero awoodaha loogu talo galay Aqalka Sare.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo kulamo hordhac ah la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi si ay u xaliyaan xiisada kala dhexeysa Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu diiday in muddo intaa kabadan uu BFS uga aamuso isticmaalka awoodihii loogu talo galay Aqalka Sare.

Xildhibaanada ayaa la sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi ay ku qancin waayen in la fasaxo Shirka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada maamulada ee ka dhacaaya magaalada Baydhabo inta xal muuqda ay ka gaarayaan labada Gole, hase ahaatee waxa uu sheegay inaanu dhici doonin arrinkaa.

 

Cabdi Xaashi, waxa uu ku andacooday in muddo dhowr jeer ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uga aamusay khaladaad ay ku dhaqmeen, hase ahaatee uu ka dhamaaday sabarka.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxa uu tilmaamay keliya inay ku qanci doonaan in la kala saaro sharciyada labada Gole oo u muuqda kuwo isku khaldan, waxa uuna cadeeyay inay qaadan doonaan khaladaadkooda waa haddii ay jiraan qodobo ay si khaldan u isticmaalayaan.

Dhawaan ayey aheyd markii qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare lagu dalbaday in lagu hakiyo shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaanada maamulada ee ka dhacaaya magaalada Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com