Faah-faahin: Dagaal xoogan oo dhex maray Khaatumo iyo Somaliland

Xudun (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo deeganka Xudun ee duleedka gobalka Sool ayaa sheegaya in halkaas uu galabta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya maamulka Khaatumo iyo ciidanka maamulka Somaliland.

Inta la ogyahay ugu yaraan 10-qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay deeganka Xudun sida ay lee yihiin ilaha madaxa banaan.

Labada dhinaca ee galabta ku dagaalamay Xudun ayaa mid kasta sheefagay in uu guulo gaaray laakin ma jirto cid madax banaan oo sheegaya inta ay la egtahay khasaaraha.

Taliyaha guud ee ciidamada millatariga maamulka Somaliland General Ismaacil Shaqale ayaa war uu saaray caawa wuxuu ku sheegay in ciidamada Somaliland ee fadhiisinkooda yahay deeganka Xudun ee Gobalka Sool ay galabta seddaxdii weerar ay ku soo qaadeen sida uu sheegay ciidamo maleeshiyo ah oo loo yaqaano Khaatumo sida uu hadalka u dhigay, dabadeedna dagaal uu ku dhexmaray labadaas ciidan.

Wuxuu sheegay in 10-maxbuus ay ka qabteen kooxdii maleeshiyaadka ee weerarka soo qaaday isla markaana ay ka qabteen labo baabuur oo ah kuwa dagaalka iyo labo baabuur oo xamuul ah sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidanka Somaliland uu kaga dhaawacay labo askari dagaalkaas galabta ka dhacay deeganka Xudun ee gobalka Sool.

Dhinaca kale, maamulka Khaatumo ayaa iyana sheegay in dagaalkii maanta ay guulo ka gaareen sida ay hadalka u dhigeen, isla markaana maalinta berri ay ka soo saari doonaan war saxaafadeed.

Xaallada deeganka Xudun ee dagaalka uu ka dhacay ayaa caawa deggan, laakin waxa wali ka muuqda saan saan dagaal sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Dhowr jeer oo hore ayaa labada dhinac uu dagaal ku dhexmaray deeganka Xudun oo waqooyiga ka xigga gobalka Sool, labada dhinaca waxa ay sheegayaan in uu mid kasta gacanta ku hayo deegankan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa