QM oo soo dhoweeysay aqoonsiga ay USA siisay dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayuu wuxuu ku sheegay in QM ay gaar ahaan xafiiska UNPSO uu soo dhoweynaayo aqoonsiga Maraykanka uu siiyay  dowladda federaalka Soomaaliya.

Mahiga ayaa hadalka ka sheegay kulan uu la qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo muujineysa in Soomaaliya ay soo ceshato sharaftii ay ku lahayd adduunka intiisa kale.

Wuxuu kaloo danjire Mahiga sheegay in aqoonsiga la siiyay dowladda Soomaaliya 21-sano kaddib ay horseedi karto in aqoonsi kale ay ka hesho dowladda Soomaaliya caalamka oo kale.

Wuxuu ammaanay dowladda cusub oo uu sheegay inay durbaba ku tallaabsaneyso horumarro waa-weyn oo dalka u horseedi kara guulo la taaban karo.

Ugu dambeen danjire Mahiga waxa  uu sheegay in  dowladda cusub ee hadda dalka uu yeeshay ay noqon doonto dowlad ku guuleysata nabad ku soo dabaalidda dalka.

Si kastaba hadalka Mahiga wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa kaddib markii Maraykanka uu  Khamiistii la soo dhaafay si rasmi ah u aqoonsaday dowladda federaalka Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho