Madaxweyne Hassan Sheekh oo Codsi hor dhigay Wadamada Carabta?.

Riyadh (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda socdaal ku jooga magaalada Riyadh ee xarunta dalka Saudi Arabia, ayaa kulan la qaatay madaxda qaar ka mid ah waddamada carabta oo halkaas ku sugan.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday madaxda ka qaybgaleysa shirka looga hadlaayo horrumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda wadamada carabta in ay ka qayb qaataan soo celinta xasiloonida iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale madaxda ka qaybgaleysa shirka u sheegay in Soomaaliya hadda uu ka dhashay isbadal wayn iyo in ay lee dahay dowlad rasmi laakin u baahan kaalmada beesha caalamka iyo in la is-garab taago si ay uga gudubto caqabadaha ku hor-gudban.

Madaxweynaha ayaa hadal kan la mid ah ka jeediyay furitaanka shirka looga hadlaayo horrumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda oo ah kii  seddaxaad ee la qabto tan 2009-kii.

Shirkan ayaa maanta oo Talaado ah uu soo dhammaaday, waxana madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda ka qaybgashay shirka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku wargaliyay waddamada carabta in ay maalgashi ku sameestaan waddanka Soomaaliya oo kheyraad badan uu alle ku maneestay.

Dhammaan madaxda ka qaybgashay shirka ayaa sheegay in ay diyaar la yihiin siddii ay u caawin lahaayeen Soomaaliya.

Waxa kaloo hoggaamiyaasha carabta ee joogay shirka soo dhaweeyeen tallaabadii dowladda Maraykanka ay ku aqoosatay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka