Dagaal lagu dhaawacay taliye ciidan oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad ka dhacay degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadirkaasi oo lagu dhaawacay taliye ciidan, sida ay sheegeenmasuuliyiinta maamulka Degmadaasi.

Iska hor imaadka oo muddo kooban socday ayaa ka dhacay xerada Badbaado ee degmada Dharkeynlay, waxaana uu u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamo hubeysan oo ku labisnaa dareeska ciidamada militariga Soomaaliya.

Sida wararka ay sheegayaan taliyaha booliska saldhiga degmada Dharkeynlay Jimcaale Cadow Maxamed iyo labo kamid ah ciidamada AMISOM ayaa ku dhawacmay israsaaseyntaasi, sida masuuliyiinta maamulka degmada ay sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda sheegay in mararka qaar xiliyada habeen degmada dhac ay ka geystaan kooxo burcad ah, taasi oo sababtay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay baaritaano ka sameeyaan degamdaasi.

Taliyaha Booliska saldhiga Degmada Dharkeynley Jimcaale Cabdow Maxamed iyo Labada Askari ee ka tirsan ciidanka AMISOM aya dhaawacooda loo qaaday xero Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaruntii hore ee Jaamacadda Umadda.