Xasan: Boorsaani qalbiga ayuu ka xaaran yahay waxaa qaaday…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa weerar afka ah ku qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Boorsaani.

Madaxweyne Xassan ayaa weerarka ku qaaday Boorsaani xili uu madaxtooyada Somalia kula kulmaayay mas’uuliyiin ka kala tirsanaa Shirkada magaalada Muqdisho ka hor inta uusan u socdaalin magaalada Abu Dubai ee xarunta dalka isutaga imaaraadka carabta.

Madaxweyne Xassan ayaa mas’uuliyiintaasi u sheegay inay ka raali noqdaan dhaqaale uu weydiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo isagu doonaayay in shirkadaha Ganacsiga ay dhaqaalahaasi ku bixiyaan dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho ee burbursan, waxa uuna Xassan Sheekh sheegay in Boorsaani uu qalbiga ka xaaran yahay isla markaana ay qaaday wadaniyad.

Hadalka Xassan Sheekh ayaa yimid kadib markii mas’uuliyiintaasi ka kala soctay Shirkadaha ay Xassan Sheekh u sheegen inaysan siin doonin dhaqaale gaar ah oo uu ka dalbaday si uu ugu kabo dhaqaalaha ku bixi doona ololihiisa waxa ayna mas’uuliyiintaasi sheegen in dhaqaalihii ay siin lahaayen ay ku bixin doonaan dhismaha wadooyinka waxaana arrintaasi laalay Xassan oo sheegay in Boorsaani ay qaaday wadaniyad hayeeshee uu qalbiga ka xaaran yahay.

”Dhaqaalihii aan idinka dalbaday halkiisa ayuu wali taagan yahay, Sheekh Yuusuf warkiisa iska daaya waa nin qalbiga ka xaaran oo ay qaaday wadaniyad” ayuu yiri Xassan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa dhibaato culus u arka in dalka laga saaro burburka ka muuqda waxa uuna horumarka Somalia ka doorbidayaa in dhaqaalaha ku bixi lahaa dalka isaga akoonkiisa lagu shubo.

Xassan Sheekh ayaa ololihiisa doorasho u isticmaali doona dhaqaalaha ku jira Qasnada dowlada iyo kuwa shirkadaha looga soo qaaday in lagu horumarin doono bilicda magaalada Muqdisho.

Tani ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa Musuq-maasuqa baahsan ee ka dhex aloolsan madaxda dowlada, waxa ayna daliil u noqoneysaa in dalka uusan cidi u maqneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com