Xog ka cusub arrinta FATHULLAH Gulen ee Mareykanka iyo Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowlada Mareykanka ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wafdigaani ayaa la sheegay inuu ka socdo waaxda cadaalada Mareekanka, waxa uuna ujeedka wafdigu yahay in dowlada Turkiga ay la galaan gorgortan ku aadan wadaadka sida ba’an ay u baadigoobeyso dowlada Turkiga ee lagu magacaabo Fethullah Gulen kaasi oo iminka ku nool dalka Mareykanka.

Wafdigaani ayaa dowlada Turkiga sidoo kale kala hadli doona codsiga ku aadan dib usoo celinta Fethullah Gulen, iyadoo wadahadalka uu yahay mid aysan u dhameyn madaxda dowlada Turkiga.

Wafdiga ka socda waaxda cadaalada Mareekanka, ayaa dowlada Turkiga la gali doona Heshiis gaar ah oo suuragalinkara inaan wax dhibaato ah la gaarsiin karin wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen, waa haddii ay suurowdo in loo soo gacan galsho.

Turkey ayaa sheegay in taageerayaasha Gulen ee ciidanka gudahiisa fuliyeen afgambiga fashilmay ee bishii July 15, iyagoo sheegay in ay dhisayeen”dawlad u gaar ah gudaha xafiisyada rayidka ah iyo ciidamada.

Erdogaan ayaa goor sii horeysay sheegay inay diyaar u yihiin in dowlada Mareykanka ay wadahadal kala galaan soo gacan galinta wadaadka baxsadka ah.

Dadaalkaani ayaa albaabada u furi doona Siyaasado dhexmara labada dowladood, taa oo salka ku heyn doonta wax is dhaafsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com