Xog cusub: Wada-hadal 2-aad oo dhex maray Xasan iyo Netanyahu

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la soo warinayaa in khadka Telefoonka ay kuwada hadleen Ra’isul Wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku sugan magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Israa’iil.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta Madaxweyne Xassan ku dhow oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulanka labada mas’uul ku dhexmaray qadka Teleefoonka uu ahaa mid socday ku dhawaad Afartan daqiiqo.

Mas’uulkaani ayaa sheegay in labada mas’uul ay si gaar ah uga wada hadleen arrimaha Doorashooyinka, Siyaasadda iyo Amniga, waxa uuna intaa ku daray in wada hadalkooda uu qeyb ka ahaa ololoha Madaxweynaha ahna musharax u taagan doorashada dalka.

Ra’isul Wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa Madaxweyne Xassan u cadeeyay in wali uu taagan yahay Axdigii ay isla meel-dhigeen, isla markaana ay garab lixaad leh ku siin doonaan doorashada Somalia, sida laga soo xigtay mid kamid ah Mas’uuliyiinta Xassan ku wehlineysa Safarka.

Xassan Sheekh ayaa inta ay khadka kuwada hadlayeen Benjamin Netanyahu warbixin kooban ka siiyay isbedelka ku imaaday Jadwalka doorasho, waxa uuna tilmaamay inay dhici doonto doorashada muddo kooban kadib.

Ra’isul Wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa Madaxweyne Xassan u sheegay in doorashada ka hor ay wada qaadan doonaan kulan gaar ah, kaasi oo uu sheegay in wakhtigeeda dib kala soo socodsiin doono maalmo un kadib, sida mas’uulkaasi aan kasoo xiganay.

Wadahadalka Xassan Sheekh iyo Benjamin Netanyahu, ayaa noqonaaya kii labaad oo midkii koowaad uu ahaa mid si Qarsoodi ah uga dhacay magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Israa’iil, sida ay horey u sheegtay Caasimada Online.

Dowlada Israa’il ayaa xusul duub ugu jirta kamid noqoshada dowladaha gacanta kula jira arrimaha Somalia, waxa ayna baahideeda usoo mareysaan Madaxweynaha xilka uu gabaabsiga ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com