Imaaraadka oo Xasan uga digay 2 qodob oo halis ku ah in dib loo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Madaxweynaha gabalkiisa sii dhacaaya ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud kaga digtay inuu jaanrogo Siyaasada Somalia isaga oo u hanqal taagaya dib usoo laabashadiisa.

Dhaxal sugaha dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayid Ala-Nahyan, ayaa Xassan Sheekh u sheegay in Asbuucyadii tagay ay soo gaartay dacwad ku saleysan in dowlada Somalia ay caqabad ku tagay Musharaxiinta u tartameysa doorashada la filaayo in Somalia ay ka dhacdo gudaha sanadkaani.

Sheekh Maxamed Bin Zayid, ayaa Xassan Sheekh uga digay laba qodob oo kala ah inuu ka hor imaado Siyaasad aan tiisa aheyn iyo inuu dibindaabooyin u maleego Musharaxiinta damaca uu uga jiro kursiga ugu sareeya ee dalka.

Sheekh Maxamed Bin Zayid, waxa uu Xassan Sheekh u sheegay inay dhicikarto inuu la tago qiiro ku aadan dib usoo laabashadiisa, balse looga baahan yahay inuu xakameeyo Siyaasada uu kaga soo horjeedo Musharaxiinta.

Xassan Sheekh, ayaa dhankiisa ka sheegay in ujeedkiisa Siyaasadeed uusan aheyn inuu carqaladeeyo qorshooyinka ku aadan ololaha Musharaxiinta balse uu ujeedkiisu yahay inuu la socdo dhaqdhaqaaqyada socda si aan loo carqaladeyn amniga dalka.

Dhinaca kale, Xassan Sheekh ayaa soo dhaweeyay aragtida Sheekh Maxamed Bin Zayid, waxa uuna sheegay inuu isku dayi doono fududeynta arrimaha la xiriira ololaha musharaxiinta kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com