Heshiiska Xasan iyo Cabdi Ileey: Liyu Boolis ku beddelasho R/W

Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidamada Liyu Boolis ee Soomaalida Ethiopia ayaa lagu wadaa inay sugaan amniga doorashooyinka Soomaaliya, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Arrintan ayaa waxaa ku heshiiyey madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Iley, kadib booqashadii Xasan uu ku tagay Jigjiga.

Waxaa sidoo kale qorshahan gadaal ka riixaya General Gabre oo ah wakiilka Ethiopia ee burburinta Soomaaliya.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in haddii Xasan lasoo doorto uu ra’iisul wasaare u magacaabo shaqsi ay wataan Cabdi Iley iyo dowladda Ethiopia, kana soo jeeda beesha Cabdi Iley.

Ciidamada ayaan Xasan waxay awood ballaaran usiin doonaa inuu maamulo doorashada, taasi oo sahleysa in dib loo soo doorto.

Waxaa arrintan ay timid kadib markii uu Xasan ka shakiyey in ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Uganda ay la safan yihiin madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Qorshaha ayaa waxa uu markii hore ahaa in ciidamo Ethiopian ah ay sugaan amniga, hase yeeshee waxaa la beddelay kadib markii laga baqay inay xasaasiyad ku abuurto dadka Muqdisho, hase yeeshee ma muuqato wax farqi oo u dhaxeeya Liyu Boolis iyo Ethiopian-ka kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com