Sawirro: Hoggaamiyaha Boko Haram oo weerar lagu dhaawacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Nigeria oo xiganeysa Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa qoray in Hogaamiyaha kooxda Boko Haram lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada cirka ee Nigeria.

Warbaahintu waxa ay qortay in Saraakiishu ay sheegen in Hogaamiyaha Abubakar Shekau uu ku dhaawacmay weerar cirka ah oo ay ciidamada Nigeria ka fuliyeen waqooyi bari ee dalkaasi.

Waxa ay qoreen in weerarka sidoo kale lagu dilay tirro dagaalyahaano ilaalo u ahaa Hogaamiyaha kuwaasi oo xiliga weerarka ku dhuumaaleysanaayay keenta Sambisa ee degmada Gambaru gobolka Borno oo aan sidaa uga sii fogeyn xudduudda ay la wadaagaan dalka Cameroon.

Warbaahinta qaar waxa ay qorayaan in Hogaamiyaha Kooxda lagu dhaawacay weerarka balse markii danbe uu u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray weerarka.

Abubakar Shekau, ayaa la sheegay in dhaawiciisa uu yahay mid saameeyay inta badan oogadiisa.

Qoraal kasoo baxay Hay’adaha amaanka dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu sheegay in dhaawaca Abubakar Shekau uu yahay mid aad u daran.

Afhayeen u hadlay ciidamada oo lagu magacaabo Colonel Sani Kukasheka Usman, ayaa sheegay in saddex taliyayaal oo Boko Haram – Abubakar Mubi, Malam Nuhu iyo Malam Hamman ay ku dhaawacmeen weerarka.

Kooxda Boko Haram wali kama aysan hadal wararka sheegaya in Hogaamiyaha Kooxda Abubakar Shekau uu weerarka ku dhaawacmay.

SAWIRADAANI WAXAA FAAFIYAY WARBAAHINTA DALKA NIGERIA
1

2

3

4