Faah-faahinta khasaaraha QARAXII maanta ka dhacay isgoyska Sayidka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho, iyadoo ay weerar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha uu geystay.

Gaariga qarxay ayaa ku jiray saf lagu baarayey gaadiid sugayey in la hubiyo, si ay u maraan Control ku yaalla halkaasi oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Qaranka.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaaraan illaa shan qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale waxaa ku burburay gawaari xilligaas ku jiray safka baaritaanka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid faah faahin guud ka bixisay qaraxaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxa, kuwaas oo xiray gabi ahaan Sayidka.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya maalmo kadib midkii xooganaa ee 28-kii bishii hore ka dhacay Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare badan.