Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo goor dhow ka dhacay xaafadda Salaam degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari Saarif ah oo la sheegay in lagu soo xiray miinada nooca lagu dhajiyo baabuurta.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi oo ahaa wadihii gaariga, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo la socotay.
Wararka ayaa sheegaya in qofka dhintay oo ahaa wiil dhalinyaro ah uu adeer u yahay xildhibaan hore, Cabduqaadir Maxamed Mursal oo horay Muqdisho ay ugu dileen kooxo hubeysan.
Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga xilliga uu qarxayey uu yaallay afafaafka hore ee guriga marxuumka.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.
Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo isugu jira qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal oo muddooyinkii dambe ka dhacayey magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com