Wasiir xukuumadda Kheyre ka tirsanaa oo is-casilay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdikariim Khaliif Dhalac.

Wasiirka ayaa is casilaadiisa ku sacbabeeyay fara galinta xukuumadda uu ka tirsanaa ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku hayso dhismaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in uu ku qanci waayay sida ay xukuumaddu wax u wado ee faragalinta qaawan ay ugu heydo dhamaan maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, si gaar ah maamulka uu federaalka ku matalo ee Galmudug.

Qoraal dheer oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri, “Anigoo ah Xildhiban Cabdikarim khalif Cabdi (Dhalac) maanta oo taariikhdu tahay 20.09.20019 waxaan Go’aansaday inaan iska Casilo Xilkii aan ka hayey Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir- kuxigenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa.

Sababaha aan isku casiley  waxaa ka mid ah.

  1. Waxaan ku qanci waayey feragelinta Dowladdu ku heyso Dowlad Goboleeyadda dalka Ka jira, gaar ahaan Maamulka Galmudug oo ay hadda ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug ‘ iyo Dasturka dalka uyaal.

taasoo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale , amni iyo mid hurumarineed.

sidoo  kale waxay keeni kartaa kala fogeeynta labadii gobal ee  ku midoobey dowlad gobaleedka Galmudug Kuwaas kala ah mudug iyo galgaduud.

Waxaan halkaan baaq uga dirayaa

1 Xukuumada federalka iney ilaaliso

Dastuurka dalka iyo nidaamka federalkanee Somali ku heshiisey faragalintana ay ka daayaan dhismaha dowlad gobaleedyada.

2 Waxaan kaloo ayagana baaq udirayaa dowlad gobaleeda dalka Ka jira iney xil iska saaraan ilaalinta shuruucda dalka utaal oo dastuurku ugu horeeyo Iyo nidaamka federalismKa ee ay ku dhisan yihiin.

3 sidoo kale waxaan kula talinayaa dadka reer Galmudug inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda, Ayna ka fekertaan qofka ay ku aaminayaan aayahooda.

Waxaan ugu horeeyn u mahad celinaayaa R/wasaaraha Xukuummadda mudane Xasan Cali Kheyre ‘ iyo golaha wasirada ee aan saaxiibada nahey mudadii aan wada shaqeyney.

Ugu dambeeyntii waxaan balan qaadayaa inaan ka  shaqeyn doono midnimada iyo wanaaga ummadda soomaaliyeed,  sidoo kale waxaan si dhow ula socon doonaa maslaxada dadka aan ku matalo golaha shacabka” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Cabdikariim Dhalac wasiir ku xigeenkii xanaanada xoolaha xukuumadda Soomaaliya.

Wali wax war ah oo ku aadan is casilaadda wasiirkaan kama soo bixin xukuumadda federaalka ee uu majaraha u hayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com